Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in ay dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade u gudbin doonto dowladdaha Caalamiga ah ee uu ka haysto dhalashooyinka, ka dib eedeymo ay u soo jeediyeen.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha maamulka Somaliland Yurub Abiib Cabdi oo warbaahinta la hadashay, ayaa sheegtay in Generaal Guulwade ay dacwad uga gudbin doonaan dalalka uu dhalashooyinka ka haysto, iyadoona carabaawday hadalkii uu dhawaan ka dhawaajiyay Guulwade ee ku aadanaa maamulkooda.
“ka xukuumad ahaan Guulwade waan daba gali doonaa meel uu ku badbaadayo maanta ma jirto isaga ayaa isku cadeeyay inuu dadkii laayay xasuuqaasina uu sax ahaa” ayey tiri wasiir ku- xigeenka wasaaradda Xanaanada iyo Xoolaha mamulka Somaliland.




From the comments