Waxaa lagu wadaa inuu wadanka Jabuuti uu ka furmo shirweynaha waxbarashada qaarada Afrika, oo sanadkaan uu marti galinaayo Madaxweyne Cismaaciil Cumar Geele.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya wada badan oo Afrikaan ah waxaana lafilayaa, inta shirka uu socdo in madaxdu ay isku soo qaadaan sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada ay helaan ardayda ku nool Afrika iyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Jahliga.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadli doonaa sidii loo kobcin lahaa ardayda waxbarata, maadama wadamada afrika lagu tilmaamo in caruurta waxbarato ay tahay mid kooban marka loo eego wadamada ku hormaray waxbarashada.




From the comments