Taliska Mareykanka ee ka howlgala Africa ee loo yaqaan AFRICOM, ayaa waxa ay sheegeen in duqeyn diyaaradeed ay ka geysteen gobalka Jubbada dhexe halkaasi oo ay ku bartilmaameedsadeen dhaq dhaqaaqa Al shabaab.
Duqeyntan, ayaa si gaara uga dhacday degmada Jilib ee gobalka Jubbada dhexe, waxa ayna taliska AFRICOM sheegeen in duqeyntaasi ay ku dileen xubin ka tirsan Al shabaab.
Taliska AFRICOM, ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta aysan wax khasaaro ah ka soo gaarin dadka shacabka ah, islamarkaana ay ka taxadaraan khasaaro soo gaara goobaha ay duqeymaha ka fulinayaan ee ay ku suganyihiin dadka shacabka ah.



From the comments