Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland haatanna ah Senetor ka tirsan golaha Aqalka sare ee BFS mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda waxbarashada DFS Cabdulahi Goodax Barre uu ka hor imaanaayo nidaamka Federaalka oo ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Senetor Faroole ayaa soo bandhigay heshiis ay dowladda Federaalka la gashay Puntland xilligii uu madaxweynaha ka ahaa waxa uuna xusay in markaasi ay labada dhinac ku heshiiyeen in 25% deeqaha waxabarasho ee dibada la siiyo puntland.
Senetor Faroole ayaa yiri “Cunaqabateyn tacliimeed baa hadda Puntland ka socoto in lagu sameeyo sidii cunaqabateyntii jubbaland hawada looga sameeyay”




From the comments