Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Feysal Cali waraabe, ayaa sheegay in ay qabsan doonaan doorasho u gaara haddii xukuumadda Somaliland ay ku qancin weyso doorashada soo aadan.
Gudoomiye Feysal oo ka hadlayay munaasabad ay xil kula kala wareegayeen dhalinyaro ayaa si aad ah uga hadlay arrimaha doorashooyinka maamulkaasi, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ka mucaarad ahaan ay tallaabo qaadi doonaan.
Sidoo kale, waxa uu soo hadal qaaday wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaalilnad, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in raggaasi Farmaajo uu magacaabay ay ka shaqeeyaan wadaxaajoodka labadaasi dhinac.




From the comments