Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta dad shacaba waxa ay ku dileen agagaarka isgoyska Ex-kontorool Balcad ee magaalada Muqdisho.
Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dadka deegaanka ciidanka AMISOM ayaa rasaas oodda uga qaaday gaari BL ah oo ku socdaalayay wadadaasi ka dib markii qarax lala eegatay ciidanka midowga Afrika waxana rasaastaasi ka dhalatay khasaare nafaeed.
Inta la xaqiijiyay seddex qof ayaa ku geeriyootay rasaasta ay rideen ciidanka AMISOM oo laba ka mida ay ahaayeen dumar halka qofka kalane uu ahaa darawal.




From the comments