Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Senetor Faroole uu kadeeday Ummadda Soomaaliyeed markii la sameyanayay dastuurka ku meel gaarka ah waxa uuna xusay in arrinkaasi uu isagu marqaati ka yahay.
Wasiir Goodax oo arrintaas ka hadlaya ayaa yiri “Aniga Faroole waan la soo shaqeeyay markii dastuurkaan KMG-ka ah laga shaqeynayay ummadda soomaaliyeed siduu ninkaas u kadeeday iyo dastuurkan dhan ciladaha uu leeyahay in uu isaga sabab u yahay anigaa ka marqaati ah”
Sidoo kale wasiirka waxbarashada DFS ayaa ka dhawaajiyay in Senetor Faroole la joogo xilligii uu siyaasadda ka fariisan lahaa isaga oo dhinaca kale ku eedeeyay in madaxdii puntland soo martay iyo kuwa hadaba ay ka shaqeyn la’ yihiin.




From the comments