Madasha xisbiyada qaran oo soo saaray warmurtiyeed ku aadan xaaladda Galmudug ayaa dowladda Federaalka waxa ay ugu baaqeen in ay joojiso faragalinta siyaasadeed ee ay ku hayso maamulkaasi.
Sidoo kale madasha ayaa ka digtay khilaafka xowliga ah in uu horseedo gacan ka hadal uu dhiig ku daato iyada oo ciidamada qaranka ugu baaqday in aysan ku lugyeelan muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya siyaasiyiinta taa badalkeedana ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo nabadgelyada.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa ciidanka ajnabiga ah loogu baaqay in aysan aqbalin in loo adeegsado khilaafka siyaasadeed ee halkaasi ka jira islamarkaana ay ka fogaadaan in ay la saftaan dhinacyada siyaasada isku haya dhinac ka mida.






From the comments