Wararka aan ka helayno isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeynley ayaa sheegaya in halkaasi qarax lagula eegatay guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada kaxda ee gobalka Banaadir kaas oo lagu magacaabo Cabdinaasir Xasan Cali.
Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada Kaxda.
Dhinaca kale qaraxa ayaa la warinayaa in ay ku geeriyoodeen askar ilaalo u ahayd guddomiyaha halka seddex qof oo shacaba ay ku dhaawacmeen.




From the comments