Doorasho goordhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, xarunta Galmudug islamarkaan ay garwadeen ka ahayd dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Baarlamaanka ay aqoonsantahay dowladda ee soo xaadiray kulankan ayaa ahaa 77 mudane , waxa ayna cododkooda kala siinayeen murashaxiintii kala ahaa Axmed Cabdi kaariye( Qoorqoor), Dr. Abdirahman Sabriye, Axmed Shire Falagle iyo Cabdullaahi Axmed Samatar.
Murashaxa ku guuleystay xilka madaxweynaha ee Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa helay codad gaaray 66 cod halka Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod, waxaana 1 cod helay Abdirahman Aadan Sabriye.




From the comments