Murashax Cabdiraxmaan Odowaa ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay madaxda ugu sareysa ee dalka isaga oo tilmaamay in Galmudug ay yeelato seddex madaxweyne ay masuuliyadeeda qaadayaan madaxweyne Farmaajo iyo ra’isulwasaare Kheyre.
“In Galmudug yeelato saddex Madaxweyne waxaa masuuliyaddeeda iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre. Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen in ay Galmudug ka sameystaan maamul ay iyagu soo xuleen” ayuu yiri Odowaa.
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ugu baaqay waxgaradka, odoyaasha dhaqannka, saamileyda siyaasadeed iyo seddexda garab ee ay u qeybsantahay Galmudug in ay isugu yimaadaan sidii loo dhisi lahaa hal maamul oo loo dhanyhay.




From the comments