Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaliya ayaa soo dhoweysay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda galmudug.
Wasaaradda ayaa ugu horeyn hamabalyo u dirtay madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.
Sidoo kale wasaaradda ayaa shacabka reer Galmudug u rajaysay isbadal mira dhal ah kaas oo horseedi kara xasilooni buuxda iyo hormar ay ku tallabsadaan ummada reer Galmudug.





From the comments