Wararka laga helayo duleedka magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal beeldeed halkaasi ka socday ay ku geeriyoodeen dad kor u dhaafaya 20 qof.
Dagaalkan ayaa ka soconaya deegaanka Sanguuni oo qiyaastii 60-km dhinaca xeebta kaga beegan magaalada Kismaayo waxa uuna u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo sida la sheegay isku haysta dhul daaqsin.
Wasiirka warfaainta maamulka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Axmed oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo igu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna xusay in dhaawac fara badan la geeyay magaalada Kismaayo.




From the comments