Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo ka hadlayay xaaladda dalka iyo guud ahaan siyaasadda ayaa waxa uu tilmaamay in inta dadka Soomaaliyeed lagu maamulayo hanaanka federaalka aysan heli doonin qaran xoog leh.
Sidoo kale Madaxweyne Cali mahdi ayaa sheegay in federaalka Soomaaliya looga keenay Itoobiya, isaga oo tilmaamay in waagii uu dalka isagu madaxda ka ahaa ay iska diideen, waxa uuna xusay in federaalka loogu talagalay in lagu burburiyo Soomaaliya islamarkaana aan la dhisin qaran xoog leh.
“waxaan qabaaa inta Soomaaliya lagu maamulayo wax federaalisam la yiraahdo qaran Soomaaliya oo xoog leh cirkaas ayuu inoo jiraa, yacni middan lagu leeyahay federal waxaa iska leh Itoobiya, annaga waageynii waan ku diidnay, Soomaaliya waxaa federaalka loogu keenay in lagu burburi oo qaran dambe oo xoog leh uusan dalkan ka dhalan” ayuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi.




From the comments