Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey), guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maanta waxaa ay kulankii billaha ahaa la qaaday wakiillada beesha caalamka sida qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afika iyada oo u sharaxday sharciga doorashada ee uu madaxweynaha saxiixay 20-kii bishan, Puntland iyo Jubbaland oo ishortaag ku sameeyey shaqada xafiiska guddiga, tababarro la sameeyey iyo xisbiyo cusub oo la diiwaangeliyey.
Kulanka oo ay wada shir guddoominayeen Raisendon Zenenga oo ah ku-xigeenka ergayga Q.M ee Soomaaliya ayey ugu horreyntii, guddoomiye Xaliimo Yareey waxaa ay sharaxday waxa uu ka dhiganyahay saxiixa madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee sharciga doorashada iyada oo tiri “ Saxiixa sharciga doorashada waxaa uu ahmiyad u leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo hagid iyo taageero la garab taagnaa hannaanka dimiqoraadiyadda toboneeyo sano” iyada oo intaas raacisay “ Sharcigan cusub waxaa codbixiyaha Soomaaliyeed siin-doonnaa xaq iney doortaan siyaasigii matali lahaa taas oo ay aheyd xuquuq ka maqneyd shacabka Soomaaliyeed 50-kii sano ee la soo dhaafay.
Guddoomiyaha waxaa ay sheegtay inta aan la saxiixin sharcigan iney kullamo kala gaar ah la qaadatay madaxweynaha, guddoomiyaha golaha shacabka, guddiga arrinka loo xilsaaray iyada oo kala hadashay arrimaha farsamo ee aan lagu gorfeyn labada aqal taas oo ka hor istaagi karta guddiga iney qabtaan doorasho xor oo xalaal ah 2020-ka. Waxaa kale oo walaac ka muujisay in baarlamaanka uu xirmay kalfadhigiisa iyada oo aan la anisixn waxka bedalka sharciga xisbiyada taas oo hadda dib ugu dhici-doonta April marka ay 2-bada aqal noo noqdaan.




From the comments