Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay ku waramayaan in ganacsiga magaaladaasi uu maanta yahay mid gabi ahaana xiran oo aan shaqeynayn.
Ganacsatada magaaladaasi ayaa ka cabanaya canshuur xad dhaafa oo wasaaradda maaliyadda Puntland ay ku soo rogtay ganacsatada deegaankaasi, taasina ay sababtay in ganacsigii magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso uu hakad galo.
Candhuurtan ayaa ah mid ganacsadaha laga qaadaayo sheykasta uu faa’iido ka helo taas oo caqabad weyn ku ah dadka danta yar ee ka ganacsada deegaanada maamulkaasi.




From the comments