Shir muddo shan maalin uga socday dalka Turkiga mas’uuliyiinta madasha qaran ayaa ugu dambeyntii la go’aamiyey in madashu hal xisbi noqoto, isla markaana doorashada 2020-ka ay hal murashax yeeshaan.
Xisbiyada kulanka tagay, heshiiskana gaaray ayaa kala ahaa: xisbiga UDP ee Xasan Sheekh, Himilo Sheekh Shariif, Kulan Maxamed Siiriin, Horusocod oo Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas ah, Ileys waa Cabdulqaadir Cosoble iyo Nabadda oo Maxamed Cabdi Gandhi uu hoggaamiyo.
Xisbiyadan siyaasadeed ayaa muddada uu shirku socday kudheeraaday arrimaha doorashada iyaga oo meel cad ka istaagay qabsoomidda doorashada 2020-ka iyo in aan shaki iyo hadal marnaba la gelin karin.




From the comments