Maxamed Xareed Faarax oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha dowlad goboleedka Puntland islamarkaana la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu amar ku bixiyay in ganacsatada la dhuumata canshuurta in lagala wareego badeecadaha uga soo dega dekadaha maamulkaasi.
“Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee dowlad goboleedka Puntland, wuxuu la socod-siinaya dhammaan ganacsatada, haddii badeecadaha ka soo dega furdooyinka Puntland lagala baxsado Canshuurta ku waajibtay, iyadoo lagu xad-gudbayo xeerarka Wasaaradda Maaliyadda, waxaan u sheegaynaa ganacsatada in dhammaan badeecaddaas ay la wareegayso dowlad goboleedka Puntland sida waafaqsan nidaamka qaanuuneed gaar ahaan xeerarka u degsan wasaaradda maaliyadda” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha Puntland.
Sidoo kale ku xigeenka xeer ilaalinta ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in ay dacwad ku soo oogi doonaan ganacsatada la dhuumata canshuurta islamarkaana ay ku qaadi doonaan ciqaabta ay muteystaan ee xeerka wasaaradda maaliyadda uu ka qabo.




From the comments