Waxaa goor dhow magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ka furmay shirka wadatashiga aayaha Puntland kaasi oo horey uu u cilaamiyay madaxweynaha Puntland ee Saciid Cabdulaahi Deni.
Magaalaad Garowe ayaa waxaa ku sugan oo Shirkan ka qeyb galaya madaxda ugu sareysa Puntland, siyaasiyiintii hore ee maamulkaasi, cuqaal , waxgarad, isimmadda iyo madax ka tirsan dowladda federaalka ah oo deegaan doorashadooda ay tahay Puntaland.
Shirkan ayaa waxaa la sheegay in uu socon doono muddo saddex cisho ah, waxaana wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo saxaafadda kula hadlay isla goobta uu sheegay in ajendaha shirkan uu yahay doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya iyo arrimaha gudaha maamulkaasi.






From the comments