Dhageyso: Warka Subax ee Goobjoog 16-03-2020
Qodabada saakay ugu waa weynee warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin
Taliyaha xoogga Dalka ayaa soo saaray digniino iyo amarro ku socda ciidamada aan joogtada uga howlgelin xarumaha ay hoostagaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa wadahadallada la qorsheynayo inay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ku tilmaamay wax aan sharci ahayn.
Dowlad Itoobiya ayaa laga soo weriyay kiisas cusub oo CARONA VIRUS ah.
Saraakiisha ammaanka Magalaada Baladweyne ayaa baadi-goobaya maleeshiyaad hubeysan oo dil ugu gaystay dad shacab ah inta u dhaxeysa Burdhiile iyo Kabxaanley.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan Dowladda Federaalka ka ogolan doonin in lagu ciyaaro dhisamaha heykalka Dowladnimada.
Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Cabdikariin Cali Aadan iyo Raxmo Xasan Maxamed