Qoraal ka soo baxay guddiga ka hortagga iyo u diyaar garoowga xanuunka Coronavirus ee maamulka Soomaaliland, ayaa waxaa muddo 4 todobaad ah lagu hakiyay duulimaadyadii magaalada Muqdisho sabab la xiriirta in kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Sidoo kale qoraalka ka soo baxaya Soomaaliland ayaa waxaa lagu mamnuucay waddamada uu sida darran u saameeyay cudurka ee kala ah Iiraan, Shiinaha, Talyaanig, Kenya, Faransiiska iyo Kuuriyada Koonfureed aysan muddo 4 todobaad ah duulimaadyo ku imaan Karin Soomaaliland.
Dhinaca kale Soomaaliland ayaa waxa ay fasaxday dhamaan goobaha waxbarashada ee deegaanadeeda sida dugsiyada, iskuulada iyo Jaamacadaha.





From the comments