Waxaa goor dhow guddiga madaxa bannaan ee soo xulista baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed ay soo saareen liiska xildhibaanada cusub ee maamulkaasi oo tira ahaan gaaraya 95 mudane.
Guddiga ayaa waxa uu maalmihii la soo dhaafay ku guda jiray sidii ay u soo xuli lahaayeen xildhibaanno cusub oo ay ku wada qanacsanyihii beelaha dega deegnaada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Koonfur galbeed ayaa waxaa kaalin mug leh ka qaatay odoyasha dhaqanka maamulkaasi, iyaga oo si dhow ula shaqeynayay guddiga madaxa banaan ee arrinkaasi loo xilsaaray.








From the comments