War qoraala oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in muddo 2 maalin ah dib loo fasaxay duulimaadyadii caalamiga ahaa oo dhowaan dowladdu xayiraaddu ku soo rogtay, sababa la xiriira in uusan faafin cudurka Coronavirus.
Qoraalka oo ay soo saartay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa waxaa lagu caddeeyay in muddo 2 maalin ah la fasaxay duulimaadyada caalamiga ah si loo soo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoomada caalamka, waxaana dowladdu sheegtay in duulimaadyadaasi ay ka soo degi doonaan garoomo cayiman.
Sidoo kale qoraalka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee soo mara waddamada uu saameeyay cudurka Coronvirus ay u hoggaasamaan awaamiirta wasaaradda caafimaadka.





From the comments