Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxa ay kula wareegtay qalab caafimaad oo looga hortagayo xanuunka faafa ee Coronavirus, deeqdaasi oo ka timid dalka Shiinaha.
Garoonka diyaaradaha oo ay ku sugnaayeen wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka Maxamed Siciid Cabdulaahi, ayaa waxa ay halkaasi safiirka shiinaha u fadhiya kala wareegeen qalabkan caafimaad oo la sheegay in looga hortago Covid-19.
Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Maxamed Siciid cabdulaahi oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu mahad celin u jeediyay maalqabeenka reer Shiina ee Jack Ma oo isagu deeqdaan ugu deeqay dowladaha Afrika ee laga helay xanuunkan, isaga oo wasiirku sheegay in waqti loo baahnaa adeegan la soo gaarsiiyay.




From the comments