Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxa uu kullan kula qaatay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee danjire James Swan.
War ka soo baxay xafiiska wasiir Cawad ayaa waxaa lagu sheegay in kullanka looga hadalay sidii wada shaqeyn wanaagsan ay u dhexmari lahayd dowladda federaalka Soomaaliya iyo hey’adda qaramada midoobay islamarkaana loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac.
“wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, mudane danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa wasaaradda ee caasimadda muqdisho, wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha soomaaliya (srsg) ahna madaxa howlgalka kaalmaynta qaramada midoobay ee soomaaliya (unsom), mudane james swan” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.




From the comments