Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo sabti ah waxa ay hirgalinaysaa amarro ay soo saaratay maalinkii shalay ahaa kuwaas oo ku addanaa in gabi ahaanba deegaanada Puntland aan la keeni Karin qaad iyo in la xirayo xuduudda ay la wadaagaan maamulka Soomaaliland.
Sidoo kale awaamiirta aya soo saareen maamulka Puntland ayaa waxaa qeyb ka ahaa in ganacsatada maamulkaasi loogu baaqay in la joojiyo iibka badeecadaha Puntland uga baxaya meelaha kale si loo hubiyo keydka badeecadaha daruuriga u ah dadka reer Puntland inta ay xaladooda ka soo haggaageyso waddamada caalamka ee xirtay xudduudahooda.
Qoraalkan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa la filayaa in maanta uu dhaqan galo waxaana looga gonleeyahay si loo yareeyo faafitaanka cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus.





From the comments