Coronavirus oo noqday mushkilad caalami ah, ayaa dunida ku yeeshay kuna yeelan doona saamayn u badan mid taban.
Soomaaliya oo dhibka Virus-kan la qabta caalamaka aafadan la daalaa dhacaya, ayaa waxaa iyada iyo dalal kooban la gooni yihiin in hab-dhismeedka dhaqaalahoodu si xad dhaaf ah ugu tiirsanyahay dunida maantay albaabada xiratay.
Saamaynta taban ee Coronavirus ku yeeshay ama ku yeelan doono dhaqaalaha dalka ayaa si gooni ah looga dareemi doonaa qaybaha:
1. Bankiyada & xawaaladaha;
2. Soo dejinta badeecooyinka;
3. Dakhliga dawladda (Cashuur, deeqaha shisheeye iyo khidmooyinka kale);
4. Dhoofinta xoolaha ee xilliga xajka;
5. Xoogsatada muruq-maalka ah;
6. Shirkadaha diyaaradaha, safarka iyo hoteellada.
7. Ganacsatada qaadka.
BANKIYADA & XAWAALADAHA:
Meesha ugu daran ee saamaynta dhaqaale ee Corona laga dareemi doono waa halkan maadaama dhibka soo gaara industry-gani u gudbo doono qaybaha kale ee dhaqaalaha dalka.
Xawaaladaha iyo bankiyada ayaa la inoo soo marsiiyaa biilasha ay soo diraan qurbejoogtu oo marka lagu daro deeqaha shisheeye inoo daboola dheelitir la’aanta ku jirta ganacsigeenna dibedda (Trade deficit) oo dhan 70% ka mid ah wax soo saarka guud ee dalka(GDP).(Halkan ka daalaco:
http://documents.worldbank.org/curated/en/811231567610111001/pdf/Somalia-EconomicUpdate-Fourth-Edition-Building-Education-to-Boost-Human-Capital.pdf).
Lacagaha xawaaladaha oo intooda badan ka yimaad waddamada Yururb iyo waqooyiga America, ayaa shirkadaha xawaaladuhu ku soo daabulaan diyaarado ama habab kale oo bankiyadu ka mid yihiin iyaga oo geeya inta badan dalalka Imaaraatka iyo Turkiga kadibna u adeegsada lacagahaas in ay ku daboolaan midda ay gudaha dalka ka dirsadaan ganacsatada ujeedkeedu yahay in ay badeeco ka soo iibsadaan dalka dibeddiisa.
Saamaynta Corona ku yeelan doono xawaaladaha ayaa ka imaaanaysa saddex dhinac oo kala ah:
1. Xairaad: In badan oo ka mid ah dadkii lacagaha soo diri jiray maantay waxa ay ku jiraan xayiraad iyo Bandow ama waxaa la xiray goobihii ay ka shaqaysan jireen, taas oo si daran u dhaawacaysa dakhligii soo geli jiray deedna yarayn doonta awooddii ay lacagaha ugu soo diri lahaayeen dadkooda ku nool gudaha dalka.
2. Kala go’a silsiladdii qulqulka lacagta: Marar badan shirkadaha xawaaladuhu waxa ay adeegsan jireen diyaarado si lacagaha xawaaladda ay ku qabtaan Yurub iyo waqooyiga America ay ugu soo daabulaan Dubai iyo Turkiga oo ah meesha lagu kala wareejiyo lacagaha Soomaliya ku socda iyo kuwa ka baxaya. Sida laga warqabo, waxaa la hakiyay in badan oo ka mid ah duulimaadyadii isaga kala gooshi jiray waddamada bariga dhexe, Yurub iyo Waqooyiga America taas oo kala goysay silsiladdii qulqulka lacagaha ee dalku ku tiirsanaa, taas oo dhankeeda ka yarayn doonta qulqulka cash-ka ee soo geli jiray dhaqaalaha dalka.
3. Dheelitir la’aan: Mararka qaar oo xawaaladuhu ay waajahaan isu-dheelitir la’aan lacagaha u yaal gudaha dalka iyo kuwa ka yaal dibedda, waxa ay cash ka daabulaan dhinicii lacagtu kaga badato (Gudaha dalka ama dibedda) si ay meesha uga saaraan dheelligaas cash ee ay waajahayaan. Si ay arinkan u sameeyaan, waxaa xawaaladuhu
adeegsadaan duulimaadyo diyaaradeed. Hase yeeshee, maadaama la joojiyay dhamaan duulimaadyadii imaanayay dalka, waxaa meesha ka baxay habkii daabulka cash-ka ee xawaaladuhu adeegsan jireen, taas oo culeys baaxad leh ku yeelan doonta adeegga xawaaladaha.
SOO DEJINTA BADEECOOYINKA:
Meesha labaad ee saamaynta taban ee Coronavirus Soomalidu ka dareemi doonaan waa soo dejinta alaabaha dibedda inooga yimaad sida cuntada, dawada IWM oo labo dhinacba culeys ka soo wajihi doono:
1. Bandowga la saaray halkii aan wax ka soo dhoofsan lahayn: Waxaa xanibaad iyo Bandow lagu soo rogay dalalka India iyo Malaysia, waxaa sidoo kale dhaqdhaqaaqii la yareeyay Turkiga iyo Imaaraatka. Afartan dal oo lagu daray China ayaa ah halka laga soo dhoofiyo badeecooyinka ugu badan ee Somalia timaad. Xayiraadda loo geystay muwaadiniinta dalalkaas cabsida Corona dartiis waxa ay yarayn doontaa ama meesha ka saari doontaa badeecooyinkii aan dalalkaas ka keensan jirnay haba ugu badnaato cuntaduye.
2. In aan weyno lacag aan wax ku soo iibsanno: Saamaynta labaad waxa ay ka imaanaysaa in la waayi karo ama ay ciriiri geli doonaan lacagihii lagu soo iibsan jiray badeecooyinka aan soo dejisanno maadaama culeys badan saaranyahay lacagihii ka imaan jiray Yurub iyo Waqooyiga America ee la soo marsiin jiray xawaladaha iyo
bankiyada, taas oo sida aan horay u soo sheegnay lagu maalgeliyo soo iibsiga badeecadaha ka gadaal marka lagu kala wareejiyo Dubai ama Turkey. Culeyska ka imaan kara badeecoyinka la soo dejiyo ee dalka ayaa sii labo-jibaarmaya marka
xisaabta lagu darsado in aan dalkeennu lahayn kayd istriaatiiji ah oo xagga cuntada, dawada iyo shidaalka ah.
DAKHLIGA DAWLADDA (CASHUUR, DEEQAHA SHISHEEYE IYO KHIDMOOYIN KALE):
Sida ku cad miisaaniyadda dawladda Soomalaiya ee sanadka 2020 (Halkan ka daalaco:
http://mof.gov.so/sites/default/files/202001/XEERKA%20QOONDAHA%20MIISAANIYADDA%20 2020-KA.pdf) oo wadarteedu ku dhawdahaya nus-bilyan doolar, dakhliga cashuuraha ayaa gaaraya 50.3% ka mid ah wadarta guud ee dakhliga dawladda halka 49.7% ka mid ah miisaaniyaddu ay ka imaanayso deeqaha dalalka shisheeye siiyaan Soomaaliya.
CoronaVirus waxa uu saamayn taban ku yeelan doonaa labada il ee dakhligu ka soo galo dawladda iyada cashuuraha guduhu yaraan doonaan maadaam ay meesha ka baxayaan badeecooyin badan oo la cashuuri jiray sida soo dejinta badeecooyinka oo yaraan doona, qaadka oo meesha ka baxay iyo cashuurta saaran tigidhada dadka ka dhoofaya ama ku soo degaya garoonka Aadan Cabdulle. Waxaa sidoo kale meesha ka baxaya khidmadihii dawladdu ka heli jirtay garoonka Adan Cabdulle sida khidmadda visaha, khidmadda landing fee-ga, iyo khidmadda laga qaado diyaaradaha mara hawada Soomaaliya maadaama duulimaadyadii wada istaageen ama aad u yaraadeen.
Waxaa sidoo kale la qiyaasi karaa in ay yaraan doonaan deeqihii shisheeye ee dalku heli jiray maadaama dalalkii bixin jiray deeqahaasi ay iyaga naftoodu la daalaa dhacayaan dhibaatada CaronaVirus.
Saamaynta taban ee halkaas ka imaanaysa ayaa u sii taraarixi doonta cid kasta oo dakhligeedu ku tiirsanaa dawladda sida shaqaalaha dawladda, qandaraasleyda ka shaqeysata mashariicda dawladda iyo cid kasta oo dawladdu wax ka iibsan jirtay.
DHOOFINTA XOOLAHA EE XILLIGA XAJKA:
Xilliga hadda la jooga waa kolka xoolaha ugu badani ka dhoofaan dalka, haba ugu badnaadeen kuwa ku socda dalka Sacuudiga ee sanad walba malaayiin muslimiin ahi u xaj tagaan.




From the comments