Xukuumadda Soomaaliya ayaa luuqad adag waxa ay ku cambaaraysay fal kufsi ah oo 30-kii Maarso ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha hoose, kufsigaas oo loo geystay gabdho yar yar oo da’dooda lagu sheegay saddex sano jirro
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goor dhow warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in falkaasi uusan hayn kufsi balse uu yahay tacaddi ka dhan ah aadanaha waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in dadka geystay falkaasi ay doonayeen in ay Soomaaliya ka dhigaan meel aysan ka jirin bani’aadanimo.
“Waxaan eryada ugu adag, waxaan bani’aadam lagu tilmaami Karin ficilka ugu xun waxa sameeya ku cambaaraynaynaa ficilka ka dhacay Afgooye ee lagu waxyeeleeyay, lagu xad gudbay labo caruur ah oo sabi ah, waxa halkaa ka dhacay laguma sheegi karo Kufsi waa tacaddi iyo weerar loo geystay magaca Soomaaliyeed, loo geystay shacabka Soomaaliyeed qofkasta oo shacabka Soomaaliyeed ah ayaa wajigiisa ceeb lagu dhigay”ayuu yiri wasiir Maareeye.




From the comments