Dab xooggan oo goor dhow ka kacay garaash ku yaalla agagaarka isgoyska KM-4 ayaa lagu soo waramayaa in lagu guuleystay damintiisa, waxaana daminta dabka ka qeyb qaatay gaadiidka dabdamiska ee shirkadda Hormuud iyo dadkii ka agdhawaa goobta uu dabku ka kacay.
Dabka ayaa ka bilowday goob garaash ah oo gawaarida la dhigto, ka dibna waxaa uu ku faafay goobo ganacsi oo ku dhowaa, dabka ayaana geystay khasaare hantiyadeed mana jiraan ilaa iyo hadda khasaare nafeed oo la soo wariyey.
Goobta dabka uu ka kacay ayaa waxaa ku dhowaa goobo ganacsi sida kuwa lagu iibiyo qalabka lagu dayactiro gawaarida iyo garaashyo sidoo kale lagu iibiyo garaawaarida lana dhigto.




From the comments