Ku xigeenka Agaasimaha Goobjoog Media Group ayaa xabsi loo taxaabay , ka dib markii looga yeeray xarunta Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Cabdicasiis Axmed Gurbiye ku xigeenka Agaasimaha ayaa ilaa iyo hada aan la ogayn sabaha xarigiisa ka dambeeya.
Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamed Maxamuud ayaa xaqiijiyay xariga Cabdicasiis Gurbiye kaas oo meel ku dhac ku ah xoriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta.




From the comments