Maamulka Gobalka Banaadir oo uu hor boodayo duqa caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxa ay sheegeen inay magaalada Muqdisho ka bilaabeen olo’ole caasimadda looga buufinayo cudurka Coronavirus ee saameynta ku yeeshay caalaka oo idil.
Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana olo’olahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay in maamulkiisa iyo xukuumadda dhexe ay isla garteen in xilliga habeenkii ah oo ay magaaladu bandowga tahay in guud ahaan magaalada Muqdisho laga buufin doono xanuunka COVID-19, waxaana intaas uu hadalkiisa ku daray inay sii wadi doonaan wax kasta oo cudurkaan looga hortagi karo.




From the comments