Wareekto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay wasiir dowlaha wasaaradda dastuurka maamulkaasi ee Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo guddoomiyaha maxkamadda farcfaanka gobalka Shabeellaha dhexe Cali Cabdulle Nuur.
Shaqo joojintaan ayaa timid ka dib markii wasiirkaan lagu soo eedeeyay inuu jabiyay amar la xiriira ka hortagga xanuunka Coronavirus islamarkaana uu sameeyay isu imaatin maadaama maamulka Hirshabeelle wasiir ka tirsanaa uu xanuunkaan u geeriyooday.
Sidoo kale Cali Cabdulle Nuur oo ahaa guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobalka Shabeellaha dhexe ayaa isagane wareektadaan waxaa looga joojiyay shaqooyinkii uu hayay ka dib markii isaga lagu eedeeyay amar jabin ku aaddan ka hortagga COVID-19.





From the comments