Waxaa maanta la filayaa in la dhaqan galiyo amar horey uga soo baxay xukuumadda Muuse Biixi oo ku aaddanaa in laga bilabaao 26-4-2020 aan wax qaad ah la keeni Karin deegaanada maamulka Soomaaliland.
Amarkaan ayaa waxaa horey warbaahinta ula wadaagay madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici kaas oo sheegay in si looga hortago cudurka COVID-19 ay go’aansadeen in muddo hakad la galiyo qaadkii imaan jiray deegaannadooda.
Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland ayaa bulshada la wadaagay in inta laga gaarayo 21-ka bisha 5-aad ay mamnuuceen keenista qaadka, waxaana maanta la filayaa in amarkaasi uu dhaqan galo.




From the comments