Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa qoraal ay soo saartay ku difaacday xuriyadda hadalka ee Soomaaliya iyada oo diiday cabsi-gelinta dowladda federaalka ah ku heyso weriye Haaruun Macruuf iyo xarriga ay u geysatay weriye Cabdi Casis Azmed Gurbiye.
Qoraalka waxaa ku jiray ” Waxaa uu qoraalkan daba socdaa kadib markii dowladda federaalka ah ay wariyaha VOA Haruun Macruf ku sheegtay inuu khatar ku yahay amniga qaranka” . “Shaqadayda guddiga arrimaha dibadda ee aan xubinta ka ahay waxaa laf dhabar u ah siyaasadda difaacidda xorriyatul qowlka, hadii ay tahay dalbshada isla xisaabtanka dilkii Jamaal Khashoggi, u doodida in la sii daayo weriyeyaasha la xiray, xaqa saxafiyiinta u leeyihiin iney ka hadlaan qadiyadaha ka dhacaya gudaha dalkooda cabsi la’aan, kama reebayo in saxaafadda xorta ah ay aasaas u tahay dimoqoraadiyad furfuran.
Marwo Ilaan Cumar oo sii hadleysa waxaa ay tiri “Olaha cabsi gelinta ee NISA ku heyso Haaruun Macruuf waa mid wewel leh, marka lagu daro xarigii wariye Abdiaziz Axmed Gurbiye ee 14-kii April ee loo xiray shaqo uu ka hayey covid-19 ee Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay ku tumashada xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah”.




From the comments