Shacabka magaalada Belad-weyne ee Gobolka Hiiraan ayay cabsi la soo deristay maalmihi ugu danbeeyay maadaama la gudagalay xiliga gu,ga oo roobab badan ay da,een, walalka ugu weeyn waxa uu yahay fatahaad la mid ah tii sanadkii hore in uu sameeyo webiga Shabelle ee magaaladaas dhexmara.
Biyaha webiga ayaa sare u kacay maalmihii la soo dhaafay, iyadoo Maamulka gobolka Hiiraan uu bilaabay caro tuur lagu sameynayo hareeraha Wabiga iyo goobaha ay Biyuhu ka soo baxaan.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kormeeray goobaha qaar ee Wabiga, isagoo uga digay shacabka biyo farabadan oo ku soo wahahan Magaalada Beledweyne.




From the comments