Madaxweynihii hore ee dalka haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu baaaq ku aaddan in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadka uu saameynta ku yeeshay fataahadda u sameeyay wabiga Jubba u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa beesha caalamka iyo cidkasta oo wax haysata ugu baaqay inay gurmad la gaaraan dadkaasi isaga oo yiri “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda, Ganacsatada, saaxiibada caalamka ee Soomaaliya iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in gurmad degdeg ah loo fidiyo, waa bil Ramadaan ee aan gacmaha isqabsanno walaalaheenna u gurmano”.
Dhanka kale guddoomiyaha madasha xisbiya qaran ayaa sheegay inuu muragada la qeybsanayo dadka ka barakacay deegaanno ka tirsan Jubbaland kuwaas oo ka cararay saameynta ka dhalatay fataahaada uu sameeyay wabiga Jubba oo deegaannadaasi mara.




From the comments