Turkish airline oo sidda deeqdii ugu horey oo ah qalab caafimaad oo ay dowlada turkiga ugu deeqday Soomaliya ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku gudoomay Wasiirka caafimaadka XFS, iyadoo ay goob jog ka ahaayeen Wasiirka gargaarka iyo maaraynta miusiibooyin, Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS iyo Masuuliyiinkale.
Wasiirka gargaarka XFS Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in baahi weyn looqabay qalabka caafimaad ee dowladda Turkiga ay soo garasiisay dalka maadama uu sameeyay cudurka halista ah ee Corona Virus.
Wasiirka wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in qalabkaan caafimaad uu kaalin weyn kaqandoona ka hortgida iyo latacaalida cudurka covid19.




From the comments