Guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad geeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus.
Wafdiga oo ay garoonka dhuusamareeb kuso dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa inta ay magaalada joogaan waxey booqan doonaan isbitaalo gaar ah oo maamulka Galmudug uu u diyaariyay in lagu karantiilo dadka uu so rito caabuqaa Covid 19.
Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19.




From the comments