Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa waxa uu beeniyay in dowladda federaalka ah ay diyaarado siday gargaar shalay ka dajisay magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal.
Wasiirka oo arrintaasi ayaa sheegay in diyaaradihii shalay ka dagay Garowe islamarkaana waday gargaarka ay ka socdeen hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR.
Shalay ayaa wafdi uu hoggaaminayay wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa ay gaareen Garowe iyga oo sheegay in deeq ka timid dowladda federaalka ay soo gaarsiiyeen Garowe ku kalne ay dowladdu soo waddo balse waxaa hadalkaasi biyo qaboow ku shubay wasiirka arrimha gudaha Puntland Cabdiraxmaan Dhabancad.




From the comments