Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Maxmed Axmed Nuur (Cabdi Kuus) oo hore uga soo mid noqday masuuliyiintii ugu sareysay ee maamulkii la oran jiray ximan iyo xeeb ee deegaannada Galmudug.
Marxuumka ayaa maalmihii dambe ku xanuunsanayay caasimadda dalka waxaana geesridiisa xaqiijiyay xubno ka tirsan ehelkiisa waxaana marxuumka aad looga yaqiinay deegaannada Galmudug.
Cabdi Kuus Waxa uu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ximan xeeb waxaana geeridiisa durbadiiba ka tacsiyadeeyay siiyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada Galmudug.




From the comments