Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboogga waxa uu uga hadlay tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda iyada oo lagu guda jiro tobaadkii loo dabaa dagayay xorriyatul hadalka.
Taabid ayaa waxa uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in xilligaan dil iyo jirdil loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed oo uu sheegay inay marxalad adag ku shaqeeyaan isaga oo ka tacsiyadeeyay dilkii Muqdisho loogu geystay wariye Saciid Yuusuf cali waxaa uuna dhanka kale cambaareeyay falkii jirdilka ahaa ee todobaadkaan loo geystay wariyayaal ka tirsanaa warbaahinta Shabeelle.
“Waxaan ku jirnaa toddobaadkii booggaadinta iyo qirashada dadaalka saxaafadda xorta ah ee caalamka, waana nasiib daro weyn in lasoo wariyey dhimashada iyo jirdilka suxufiyiin Soomaaliyeed oo u adeegayay dadkeena iyo dalkeena isla usbuucan. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida wariye Siciid Yuusuf, waxaana si adag u cambaareynayaa tacdigii loo geystay bahda Shabeelle TV” ayuu yiri Taabid Cabdi.




From the comments