Allaha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaalla dalka Hindiya ku geeriyooday wasiirkii waxbarashada maamulka Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Marxuumka ayaa muddo ku siman 4 bil waxa uu la xanuusanayay xanuunka Kansarka oo madaxa ka hayay balse xalay fiidkii ayuu ku geeriyooday mid ka mid isbitaallada ku yaal dalkaasi Hindiya.
Geerida Maxamed Ibraahim Maxamuud wasiirkII waxbarashada Jubbaland ayaa waxaa durbadiiba ka tacsiyadeeyay madaxda sare ee Jubbaland sida madaxweynaha ku xigeenkiisa golaha wasiirada iyo xildhibaanada maamulkaasi.




From the comments