Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyn ayaa sheegay in saaka magaaladaasi ay ka barakaceen dad badan, ka dib markii wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan.
Dad badan oo ku noolaa Baladweyne ayaa saakay ka barakacaya halkaasi,iyagoo u ambabaxaya dhinca deegaanka Ceeljaale ee Duleedka Magaalada,waxaana jirta cabsi xooggan oo laga qabo in guud ahaan Biyahu ay gaaraan Magaalada qeybaheeda kla duwan.
Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Baladweyene, Ganacsato iyo dadweyne kale oo iskaashanayaa ayaa maalmahaan waday howlo lagu carro tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga waxaana wali socdo dadaalo lagu xakameynaayo .




From the comments