Mareykanka ayaa sheegaya in ay Soomaaliya ka taageerayaan doorashada guud ee 2020/2021 balse aaney u yeerin-doonin.
Ambassador Yamamoto oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheeko muuqaal ah uu la yeeshay saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa uu ku sheegay in Soomaalida ay tahay cidda go’aamineysa goorta ay doorashada dhici doonto, laakin ay muhiim tahay in waqtigeeda lagu qabto.
“Doorashada go’aankeeda waxaa leh Soomaalida, haddii dib loo dhigayo xoogaa waa go’aankiinna” waxaa uu ambassador Yamamoto uga jawaabay su’aal aheyd ma dhici dhici kartaa cabsida ah in COVID-19 uu dib u dhac u keeno doorashada.




From the comments