Sida ay sheegeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa shahaadooyin ku meel gaar ah la gudoonsiiyay 6 xisbi siyaasadeed oo ka mid noqonaya axsaabta siyaasadeed ee ka jirta dalka taas oo tirade guud ee xisbiyada la diiwaangeliyay ka dhigaysa 82 xisbi.
Xisbiyada siyaasadeed ee guddigu ay shaaciyeen in la guddoon siiyay shahaadooyinkooda ayaa waxa ay kala yihiin; Xisbiga Hiil Qaran, Xisbiga Maandeeq, Xisbiga Tubta Toosan, Xisbiga Hilow, Xisbiga Dimuqaraadiga ee Danwadaag iyo Xisbiga Danaha Bulshada Soomaaliyeed, waxaana guddigu uu sheegay in iyaga oo raacaya tallooyinka caafimaad ay shahaadooyinka ku bixiyeen qaab online ah maadaama dalka uu saameyn adag ku yeeshay safmarka Coronavirus.
“Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah ee diwaangalinta siiyay 6 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii guddiga madaxabannaan uu horey u diwaangaliyay, guddiga oo raacaya tilmamaha iyo talooyinka Cudurka Safmarka ah ee #Covid-19 ayaa munaasabadda xisbiyada lagu sinayay shaadada u qabtay qaab online ah iyadoo uu GMDQ aaladda ZOOM- ka u adeegsaday qabsoomidda Munaasabaddaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka




From the comments