Guddoomiyha degmada Luuq ee Gobolka Gedo Ibraahim Maxamed Nuur Towfiiq ayaa sheegay in 92 Tuulo oo ku yiillay Webiga Jubba hareerahiisa ay baabi’isay fatahaad halkaasi ka dhacday dhowaan.
Ibraahim Towfiiq oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dillaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadyada, haatanna ay fara ba’an ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka da’een Roobab gooyay Waddooyinka.




From the comments