Madaxweynhii hore ee dalka haatanna ah guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo ka hadlayay diyaaraddii ciidan ka tirsan Itoobiya ay ku ku rideen degmada bardaale ayaa hoosta ka xariiqay inuu jiro tuhun ah in heshiisyo qarasoodi ah uu ka dhaxeeyo dowladda Itoobiya iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya waxa uuna intaas ku daray in heshiisyadaas aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iy shacabka Soomaaliyeed
“Waxaan qabnaa tuhun ah in uu jiro heshiisyo qarsoodi ah oo u dhaxeeya Ethiopia iyo madaxda dowladda oo ilaa iyo hadda aan lala wadaagin goloyaasha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmd.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda ka dalbaday inay faahfaahin cad ay shacabka Soomaaliyeed ka siiso sifaha ay ciidanka Itoobiya ku joogaan gudaha dalka “Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ciidanka Ethiopia kusoo galeen dalka, kuna joogaan” waxa uuna sheegay in AMISOM ay caddeysay in ciidanka Itoobiya ay soo rideen diyaaraddii ku burburtay Bardaale.




From the comments