Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka shirtay qorshe la doonayo in lagu soo celiyo muwaadiniinta ku xayiran caalamka ee uu go’doonka galshay xanuunka Coronavirus oo adduunka saameyn adag ku yeeshay.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa guddoomiyey shirkan oo uu la yeeshay guddiga ka hortagga COVID-19,waxaana looga ahdlay qoodbo dhowr ah.
Waxyaabaha Shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa dib u soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku xanniban dalka dibadiisa ,iyadoo la marayo habka caalamiga ah ee hubinta rakaabka loogana feejigan yahay Cudurka Coronavirus.




From the comments