Dowlad goboleedka Jubbland ayaa shaaca ka qaadday xilliga rasmiga ah ee la qaadi doono imtixaanka fasalka 8-aad iyo kan dugsiga sare ee deegaannada maamulkaasi.
Warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada Jubbaland ayaa lagu sheegay in imtixaanka fasalka 8-aad ay ardeyda u fariisan doonaan 11-07-2020 halka ardeyda fasalka 12-aad ee dugsiga sare ay iyaguna imtixaankooda shahaadiga ah geli doonaan 04-07-2020.
Wasaaradda ayaa horey u go’aamisay in imtixaanka fasallada 8-aad la qaadi doono 06-06-2020 balse wadatashi iyo qiimeyn dheer ayey wax ka badal ku sameeyeen waqtigas, iyaga oo sheegay in saameyn xanuunka COVID-19 ay wali tahay mid jirta.





From the comments