Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in hoos u dhac uu ku yimid kiisaska COVID-19 ee laga helayo deegaannada maamulkaasi ka dib baaritaanno la sameeyay.
Wasaaradda ayaa xustay in tirade guud ee haatan xanuunka laga helay ay mareyso 178 ruux iyada oo sheegtay in xanuunka maanta laga helay 8 ruux oo kaliya taas oo ka dhigeysa inay hoos u dhacday tirade dadka uu soo ridanayo xanuunkan safmarka ah.
“Waxaa la baaray 87 Ruux waxaana laga helay 8 qof xanuunka Covid19, waxaa udhintay 1 qof. Tirada dadka laga helay COVID-19 ee Puntland ayaa maraysa 178 ruux, waxaana hoos ugu dhacday dadka xanuunka laga helayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxaya wasaaradda caafimaadka Puntland.





From the comments